Sharcigii mudaaharaadyada ka dhaliyey Hong Kong oo laga laabanayo

Image

HONG KONG, China – Carrie Lam, hogaamiyaha ismaamulka Hong Kong ee hoostaga Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay joojinayan dhaqan-gelinta sharci dhiibis oo mudaaharaadyo ka dhaliyey gobolkaasi.

Gudbinta xeerkaasi oo timid bishii April ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu xeerinayaa in shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay dambi ka geystaan maamulka loo wareejiyo dhulweynaha China.

Kadib markii ay joogsan waayeen dibad-baxyadda, hindise sharciyeedka ayaa la hakiyey bishii June xiligaasi oo Lam ay ku tilmaamay "mid dhintay" balse ay meesha ka saartay in laga laabtey.

Sharciga oo gebi ahaanba laga takhaluso ayaa waxay kamid ahayd shan dalab oo ay soo jeediyeen banaanbaxayaasha, kuwaasi oo codsanaya xuquuq dimoqraadiyadeed oo buuxda.

Dhinaca kale, baaritaano madax banaan oo ay sameeyeen warbaahino kala duwan ayay ku ogaadeen in xoogaga dowladda ay xadgudubyo u geysteen qaar kamid dadka isu soo baxyda kasoo muuqdey.

Iyadda oo Arbacada maanta ah kasoo muuqatay Telefishinka, Lam ayaa waxay ku dhawaaqday in laba sarkaal oo sar-sarre su'aallo loo waydiinayo tacadiyo loo geystay dibad-baxeyaasha.

Ugu dambeyntii, dadweynaha ayey ka codsatay in ay is-dejiyaan ayna joojiyaan banaanbaxa rabshadda, iyadda oo laamaha ammaanka ku tartarsiisay in aysan dhibaateyn shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtey hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Codsiga Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.

  • Wararka

    14-07-2024

  • 04:21PM

Qodobka ay isku-mari-waayeen Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya

Turkiga ayaa martigeliyay wareegii koowaad ee wadahalada Muqdisho iyo Ankara.

  • Wararka

    02-07-2024

  • 03:20AM