Siyaasiyiinta Sudan oo looga digay "faragelinta milatariga"

Image
Toddobaadkii hore, waxaa billowday wareegii ugu dambeeyay ee geeddi-socodka siyaasadda Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Taliyaha awooda badan ee ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Axadii uga digay siyaasiyiinta faragelinta militariga, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

“Waxaan uga digaynaa siyaasiyiinta inay faraha la galaan arrimaha ciidamada. Waa inay ka shaqeeyaan sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen xisbiyadooda,” ayuu al-Burhaan ku yiri khudbad laga sii daayay taleefishinka.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida ay xor ka ahaadaan Ikhwaanul Muslimiinka iyo kuwa bidixda ah, oo ay taageeraan isbeddelka dimoqraadiga ah".

Ciidanka ayaa tibaaxay in heshiis guud oo ay kala saxiixdeen militariga iyo axsaabta siyaasadda bishii hore "lana filayo inuu dalka u horseedo inuu ka baxo qalalaasaha siyaasadeed."

Heshiisku wuxuu ballan qaadayaa muddo 2 sano ah oo kala guur ah iyo magacaabista ra'iisul wasaare rayid ah oo ay soo magacaabaan dhinacyada siyaasadda ee saxiixay heshiiska guud.

Heshiiska qaab-dhismeedka ayaa ka kooban shan mowduuc oo ay ku jiraan cadaaladda iyo dowlad KMG ah, amniga iyo dib u habeynta ciidamada, dib u eegista heshiiskii nabada, burburinta nidaamkii madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir iyo xalinta arrinta bariga Suudaan.

Toddobaadkii hore, waxaa billowday wareegii ugu dambeeyay ee geeddi-socodka siyaasadda Suudaan, iyadoo la isku dayay in heshiis laga gaaro isbeddelka dalka.

Suudaan waxa ay ahayd dowlad la’aan tan iyo bishii Oktoobar 2021 markaasoo millatari ay shaqada ka ceyriyeen ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen xoogaga siyaasadeed “afgambi militari”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM