Labo Musharax oo u gudubtay Wareega 3aad ee doorashada BFS [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lasoo gabagabeeyay goordhaw wareegga 1aad ee codbixinta doorashada Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Gudiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Aqalka Hoose, ayaa shaaciyay in 2 Musharax ay usoo gudubtay wareegga 3aad ee Doorashada kadib markii ay tanaasuleen Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Shariif Cabdalla.

  1. Maxamed Mursal oo helay 83 cod
  2. Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 cod

Musharaxiinta Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Shariif Cabdalla, ayaa ka tanaasulay tartanka, oo ka haray wareegga 2aad, iyagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay isbedelka u codeeyaan.

Maxamed Mursal [Bidix] Ibraahim Isaaq Yarow [Midig]

Labada Musharax ayaa kala helay wareegga 1aad;

  • Cabdicasiis Laftagareen helay 54 cod
  • Shariif Abdallah oo helay 19 cod

Xildhibaanno gaaraya 266 mudane ayaa ka qeyb qaadanaya doorashada, waxaana ay u kala codeynayaan 10 musharax kadib markii inta aan wareegga 1aad billaaban isaga baxay tartanka Sheekh Aadan Madoobe.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan Villa Soomaaliya, iyadoo aan la saadaalin karin cida kusoo baxi doonto tartanka oo ah mid adag.

HALKAN SI TOOS AH UGA DAAWO DOORASHADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM