Al-Shabaab oo deegaan kala wareegtay Galmudug

Image

BAXDO, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa kala wareegay Ciidamada maamulka Galmudug deegaan muhiim ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud kadib weerar xooggan oo halkaasi ay ku qaadeen.

Qabsashada Baxdo waxay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Galmudug ay halkaas isaga hayaameen iyadoo aysan sameynin wax iska caabin ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay inay jirto baqdin ku aadan in Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda ay weerar rogaal-celis ah kusoo qaadeen deegaanka Baxdo oo ku dhaw Cadaado.

Wali ma cadda sababta dhabta ah ee keentay marka hore in ciidamada ay isaga baxaan deegaanka, laakiin marka ay dhacdo arrimahaan oo kale, waxay sheegaan Taliska ciidanka xooga inay tahay xaalad ciidan, ayna dib uqabsan doonaa.

Laakiin, Salaad Cismaan oo ah Taliyaha amniga Baxdo ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dib uga baxeen deegaanka isla xalay kadib markii ay mudo 30 daqiiqadooda ay gacanta ku hayeen.

Salaad ayaa intaasi ku daray in Baxdo ay markii hore joogeen tiro yar oo Askar Boolis ah, taasi oo u fududeysay Al Shabaab inay dib ula wareegaan deegaanka.

Al-Shabaab dhankooda inta badan deegaankada aysan cudad ciidan ku lahayn, kuma sii nagadaan, waxaana la sheegayaa inay dhici karto inay ka baxaan deegaanka, maadaama magaalooyinka ku dhadhow ay joogaan Ciidanka dowladda.

Deegaanka Baxdo ayaa ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku jiray gacanta Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana la wareegistiisa ay noqonaysaa mid dhabar-jab ku ah Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM