Al-Shabaab oo Dhagax ku dishay Haweenay hal mar 11 nin guursatay

Image

SABLAALE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah meel fagaaro ah oo ku taalla degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay Haweenay ay ku eedeysay inay hal mar isku guursatay 11 nin.

Haweeenay oo lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame, oo ahayd 30 jir dhashay 8 caruur ah ayaa lagu dilay Dhagax, waxaana usoo daawasho tagey dad badan oo shacab ah.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Shukri ay wada guursatay 11 nin, kuwaasi oo mid uu ka geeriyooday, midna uu furay, iyadoo markii ugu dambaysay ay qabeen 9 nin.

Ma jirin qareenno u doodey Shukri intii ay socotay maxkamadeynteeda, waxaana xukunka ku riday Maxkamadda Al Shabaab ee degmada Sablaale, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku ogaatey kiiska Gabadha ee ah inay isku guursatay 11-ka kadib markii ay isku qabsadeen labo nin oo raggaasi kamid ah, iyadoo markii dambe ay soo baxeen kuwa kale oo sheegayay inay iyaguna u dhaxday.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacidda, ayaa inta badan dilal ku fulisa dadka ay ku eedayso falalka xatooyada, basaasnimada iyo macsiyadda [Zinada].

Bishii October 2017, Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Saakow ku dishay Xabiibo Cali Isxaaqa oo ay ku eedaysay inay labo nin isku guursatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM