Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaano muhiim ah

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaano muhiim ah kala wareegay Al-Sabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka.

Taliyaha guutada 5aad ee ciidanka xooga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa xaqiijiyay la wareegida Tuulooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Moqokori iyo Xalfooleey.

Col Faarax ayaa tilmaamay in Ciidamada ay u suurta gashay inay gacan ku dhigaan goobahan kadib dagaal saacado qaatey oo Al Shabaab kula galeen Moqokori iyo Xalfooleey maalmihii lasoo dhaafay.

Ma uuan bixin Taliyaha faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka iyo Khasaaraha ka dhashay, ee soo kala gaarey labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Moqokori u ahaa Al Shabaab deegaan muhiim, islamarkaana kamid ah deegaanada ay ay kasoo abaabusho weerarada gobolka, ee ka dhanka ah Ciidamada DFS iyo AMISOM.

Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya in ciidanka xooga Soomaaliya ay dagaal kula wareegeen deeganadaan, mana jiro wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay Al-Shabaab

Hadalka Taliye Faarax Cali Waasuge ayaa kusoo aadayaa iyadoo dowlada Soomaaliya ay wada dadaalo ay ku dooneyso inay Al- Shabaab kaga saarto deegaanada wali ku harsan gacanteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM