Askar Ajnabi ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Baay

Image

QANSAX-DHEERE - Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay oo Talaado ahayd waxay weerar qorsheysan ku qaadey Saldhig ciidamada Koonfur Galbeed iyo AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Qansax-dheere ee gobolka Bay.

Weerarka oo ku bilowday Garneelada Garbaha lagu ganno ayaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah, kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac u badan ka dhashay, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Inta la xaqiijiyay Labo Askari oo Itoobiyaan ah, kana tirsanaa ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ku dhimatay weerarkan gaadmada ah, waxaana dhaawaca uu gaaray in ka badan Labo kale.

Saraakiisha ciidanka ee Koonfur Galbeed oo xaqiijiyay dhimashada Askarta iyo weerarkan, ayaa waxay tilmaamaayeen inay iska caabiyeen duulaanka uga yimid Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaaro xooggan, inkastoo aysan tirada ay ka dileen sheegin.

Wali ma jirto wax war ah oo ku saabsan dagaalkaan oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay, kaasoo imaanaya maalin kadib markii ay Shabaab ay dagaal ku qabsadeen deegaanka Teed ee gobolka Bakool.

- Gaari lagu gubay duleedka Buula Mareer -

Dhanka kale, wararka laga helayo duleedka deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Shabaab ay halkaas ku gubeen gaari yar oo saarnaa maandooriya Khaadka, ayna ku dileen afar qof oo rayid ah.

Tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan, Al-Shabaab ayaa laba jibaartay weerarada ay ka fuliso dalka, waxaana ay beegsanaysaa Saldhigyada ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwa ajnabiga ah iyo shaqaalaha Hay'adaha samafalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM