Axmed Madoobe oo dhaliilay Siyaasadda dibadda Farmaajo, lana saftay UAE

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa cambaareeyay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku aadan Khilaafka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka weecatay go'aanka dhex-dhexaadnimada, islamarkaana hadda ay la safatay dowladda Qadar, oo khilaaf Siyaasadeed kala dhaxeeya Imaaraadka.

"Arinta Khaliijka dowladdu dariiq sax ah uma marin marka la eego waxay ku dhaqmayso, waxay jufo la noqotay Qadar, annaga ka Jubbaland ahaa iyo Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wanaagsan Qadar," ayuu yiro Axmed Madoobe.

Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dagaalka u dhaxeeya dowladaha Carabta loo soo xawilo Soomaaliya, islamarkaana dowladda Federaalka la safato mid kamid ah dowladaha loolanka u dhaxeeya.

"Dowladda haatan jirta waa inay ku dadaashaa sidii ay dhaxal wanaagsan oo aan ahayn midka dacaayadaha Baraha Bulshada waa inay uga tagtaa dalka," ayuu hadalkiisa raaciyay Madoobe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay mas'uuliyadii ka saarnayd maamul goboleedyada dalka, ee ahaa inay siiyo taageeradii looga baahnaa dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

“Waxaa haboon inay dareento dowladda dhexe mas’uuliyaadka ka saran dowlad-goboleedyada, ma jirto dowladda dhexe wax taageero ah oo ay siisay Jubbaland mudadii ay jirtay," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu dhawaan booqashooyin ku tagey dalka Imaaraadka, oo khilaaf diblomaasiysadeed kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale, Axmed Madoobe booqday Itoobiya isagoo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo ka socda Soomaaliya, oo la kulma Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo bishii April ee sanadkan la doortay.

Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa loo ogolaaday in Hotel-ka uu deganaa kula kulmo Cabdikariin Qalbi Dhagax, oo dowladda Federaalka Soomaaliya August 2017 u gacan gelisay Itoobiya.

Madoobe ayaa sheegay inay meel wanaagsan u mareyso dedaal uu wado oo uu kusoo deynayo Qalbi Dhagax, iyadoo hadii taasi ay dhacdo dhabar-jab ku noqon doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM