Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaadey dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtey Kismaayo kadib markii oo uu kasoo qeybgalay Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu qabtey Baydhabo ayaa la hadlay warbaahinta.

Ugu horeyn, Axmed Madoobe ayaa wuxuu Umadda Soomaaliyeed uu la wadaagay tahniyadiisa ku aadan bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan, isagoona ka dalbaday inay ka faa’ideystaan Kheyraad ku hareereysan bishaan.

Intaas kadib, Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in shirkooda Beydhabo uu ahaa mid ujeedkiisu ugu wayn u ahaa dhameystirka dhismaha Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid “Dastuuri ah”.

Wuxuu tilmaamay in madaxda dowladda ay yihiin kuwa aad ugu mashquulsan dagaal uu sheegay inay uga soo horjeedaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda, laakiin wuxuu usheegay in aysan waqti isaga lumin arrintaas.

“Dowladii Xasan Sheekh, labo sano oo dagaal ay nagula jirtay baa ka khasaaray, marka madaxda dowladda Federaalka waa in aysan muda xileedkoodu ku khasaarin dagaal aan wax natiijo ah aysan la helayn,” ayuu Axmed Madoobe yiri.

Isagoo u muuqday mid aad ucareysan ayaa wuxuu carabka ku dhuftay Axmed Madoobe in madaxda dowlada hada jirtay ay yihiin kuwa xusul duub ugu jira sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen xilka, islamarkaana ay danahooda ka shaqeynayaa.

Mar uu soo hadal-qaaday arrinta Khaliijka oo uu tilmaamay in hadii dowlada kusii socoto wada uu sheegay inay hadda ku taagan tahay laga dhexli doono dhibaato aan waligeeda laga soo kaban isagoona ku booriyay dowlda inay go’aankii horey uqaadatay ku taagnaato.

“Dowladu waa inay go’aankeedii dhex-dhaxaadnimada ay adkeysaa, hadii aysan sidaas imaan waxaa laga dhex-li doonaa dhibaato aanan waligeena ka bixin,” ayuu Axmed Madoobe cod dheer ku sheegay, xili uu saxaafada la hadlayay.

“Dowladu waxaanu galnay balamo shirkii ugu dambeeyay ee Amniga Qaranka, walina ma aysan felin, sidaas darteeda waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay in heshiisyadii aan galnay ina fuliso,” ayu Madaxweynaha Jubbaland carabka ku dhuftay.

Ugu dambeyntii, Madaxwyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya inay meel uga soo wada jeestaan sidii loo samato bixin lahaa dalka, islamarkaana is-qab-qabsiga siyaasadeed laga fogaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM