Axmed Madoobe oo Addis Ababa kula kulmay Qalbi Dhagax [Sawirro]

Image
Image

ADDID ABABA, Itoobiya - Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la kulan siisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan gelisay Xukuumadda Addis Ababa bishii August 2017.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka codsaday Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed in lasii daayo Qalbi Dhagax, isagoo damaanad qaaday inuusan dib ugu laaban doonin ONLF.

Sawirro laga soo qaaday Kulankooda oo ka dhacay Hotel uu Axmed Madoobe ka degan yahay Addis Ababa, ayaa muujinaya Qalbi Dhagax oo dhoola cadeynaya, oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne Axmed Madoobe,

Axmed Madoobe oo isaga laf ahaantiisa mar lagu xiray xabsi ku yaalla dalka Itoobiya xilligii uu kamid ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa 2007-dii, ayaa dadaal ugu jira sidii uu kusoo deyn lahaa Qalbi Dhaxa, iyadoo arintaasina ay dhabar-jab ku noqonayso dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Ninka u gacan-gelisay markii hore dowladda Itoobiya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatey dowladda Itoobiya in Axmed Madoobe uusan la kulmin Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, maadama uu jiro heshiis uu maamulka Farmaajo kula galay Hailemariam Desalegn in hogaamiyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya la kulmin madaxda sare ee dalkaasi. 

Cabdikariin Qalbi Dhagax, oo la sheegay inuu ka tirsan ururka ONLF, ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa laga qabtey sanadkii tagey bartamihiisa magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug isagoo kadib loo dhiibay Sirdoonka Itoobiya.

Dhiibista Qalbi Dhagax ayaa dowladda Federaalka kala kulantay cambaareyn xooggan oo bulshada uga timid, waxaana kiiskiisa loo cuskaday heshiis is-dhaafsi dhinac dembiiliyaasha oo la sheegay in dowladda Xasan Sheekh la gashay Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM