Baarlamaanka Soomaaliya oo war kasoo saarey Colaadda Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay isagu yimaadeen Gudoonka gudiga Joogta ah ee Gollaha Shacaba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay baaq nabadeed ay udireen dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goluhu wuxuu ku booriyay Puntland iyo Somaliland inay kala qaadeen ciidamada, islamarkaana ay xishmeeyaan bisha Barakeysan ee Ramadan iyo waliba fariimaha kala duwan ee uga imaanaya madaxda dowlada iyo buslahada qeybaheeda kala duwan.

Wuxuu sheegay Goluhu in dagaalka ay aad uga walaacsan yihiin, islamarkaana ay doonayaa in dhinacyadda ay si deg deg ujoojiyaan dagaalka iyo colaada halkaas ka taagan ayna ku xaliyaan wax walba wada-xajood iyo isku dulqaadasho.

Baaqa Gollaha Shacabka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] uu iclaamiyay dagaal ka dhan maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayo Magaalooyinka waa weyn ee labada maamul waxay sheegayaa inay wadaan dhaqdhaqaayo umuuqda mid abaabul dagaal ah, islamarkaana laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal saacadaha soo aadan.

Dagaalka qarxay Labo maalmoo ka hor ayaa waxaa lagu waramayaa inuu labada dhinac soo kala gaarey khasaaro lixaad ah, islamarkaana aan si dhib ah loo xaqiijin Karin inta uu la egyahay, balse warar ayaa sheegay inuu ka badan 50 Askari oo labada dhinac ah.

Colaada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay tahay mis soo jiitameysay tan iyo 2002, waxaana dhinac walba uu sheegayaan inuu isaga maamulo deegaankaan, taasoo keentay inay barakacaan dadka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM