Baarlamaanka Soomaaliya oo war kasoo saarey Colaadda Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay isagu yimaadeen Gudoonka gudiga Joogta ah ee Gollaha Shacaba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay baaq nabadeed ay udireen dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goluhu wuxuu ku booriyay Puntland iyo Somaliland inay kala qaadeen ciidamada, islamarkaana ay xishmeeyaan bisha Barakeysan ee Ramadan iyo waliba fariimaha kala duwan ee uga imaanaya madaxda dowlada iyo buslahada qeybaheeda kala duwan.

Wuxuu sheegay Goluhu in dagaalka ay aad uga walaacsan yihiin, islamarkaana ay doonayaa in dhinacyadda ay si deg deg ujoojiyaan dagaalka iyo colaada halkaas ka taagan ayna ku xaliyaan wax walba wada-xajood iyo isku dulqaadasho.

Baaqa Gollaha Shacabka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] uu iclaamiyay dagaal ka dhan maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayo Magaalooyinka waa weyn ee labada maamul waxay sheegayaa inay wadaan dhaqdhaqaayo umuuqda mid abaabul dagaal ah, islamarkaana laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal saacadaha soo aadan.

Dagaalka qarxay Labo maalmoo ka hor ayaa waxaa lagu waramayaa inuu labada dhinac soo kala gaarey khasaaro lixaad ah, islamarkaana aan si dhib ah loo xaqiijin Karin inta uu la egyahay, balse warar ayaa sheegay inuu ka badan 50 Askari oo labada dhinac ah.

Colaada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay tahay mis soo jiitameysay tan iyo 2002, waxaana dhinac walba uu sheegayaan inuu isaga maamulo deegaankaan, taasoo keentay inay barakacaan dadka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM