Soomaaliya: Barakac ka socda Beledweyne iyo cabsi wali taagan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kumanaan qof ayaa ka baracakay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii fatahaad ka dhalatay Roobab xooggan oo halkaasi ka da'ay iyo Wabiga Shabeelle oo soo qararka jabsaday.

Cabdullaahi Axmed Maclin, oo ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in 9,000 oo qoys ay ka barakaceen Xaafadaha Kooshin, Xaawo-Taako iyo Buundoweyn labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadka ay u barakacay Deegaanka Ceel-Jaalle, oo ku yaalla duleedka Beledweyne, kadib markii biyaha fatahaadda ah ay burburiyeen guryihii ay ku noolaayeen ee magaalada.

Webiga Shabelle ayaa buux dhaafiyay iyadoo ay da'ayaan roobab lixaad leh kuwaasi oo keenay in Webiga uu buux-dhaafiyo, kadibna uu ku fataho deegaanada uu maro ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa ka codsaday Hay'adaha samafalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya inay caawiyaan shacabka ay saameysay Fatahaadda Webiga kuwaasi oo uu sheegay inaysan haysan haddan Hoy iyo cunto, islamarkaana khatar ugu jira cudurada ka dhasha Biyaha [flood-related diseases].

UNOCHA ayaa sheegtay in 7,000 oo qoys ay ka barakaceen magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sababo la xiriira fatahaadda wabiga, waxaana dadkan ay u carareen xaafadda Hanti-wadaag.

Todobaadkii tagey, Wabiga Shabella oo Ku Fatahay Xaafadda Horseed ee Jowhar.

Roobka guga oo si wanaagsan uga curtay bishan gobollada dalka, ayaa meelaha qaar oo ay ugu daran yihiin Hiiraan, Shabeellooyinka iyo Gedo dadka degan ay qaylo dhaan ka muujinayaan fatahaadda Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM