Soomaaliya: Barakac ka socda Beledweyne iyo cabsi wali taagan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kumanaan qof ayaa ka baracakay magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii fatahaad ka dhalatay Roobab xooggan oo halkaasi ka da'ay iyo Wabiga Shabeelle oo soo qararka jabsaday.

Cabdullaahi Axmed Maclin, oo ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in 9,000 oo qoys ay ka barakaceen Xaafadaha Kooshin, Xaawo-Taako iyo Buundoweyn labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadka ay u barakacay Deegaanka Ceel-Jaalle, oo ku yaalla duleedka Beledweyne, kadib markii biyaha fatahaadda ah ay burburiyeen guryihii ay ku noolaayeen ee magaalada.

Webiga Shabelle ayaa buux dhaafiyay iyadoo ay da'ayaan roobab lixaad leh kuwaasi oo keenay in Webiga uu buux-dhaafiyo, kadibna uu ku fataho deegaanada uu maro ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa ka codsaday Hay'adaha samafalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya inay caawiyaan shacabka ay saameysay Fatahaadda Webiga kuwaasi oo uu sheegay inaysan haysan haddan Hoy iyo cunto, islamarkaana khatar ugu jira cudurada ka dhasha Biyaha [flood-related diseases].

UNOCHA ayaa sheegtay in 7,000 oo qoys ay ka barakaceen magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sababo la xiriira fatahaadda wabiga, waxaana dadkan ay u carareen xaafadda Hanti-wadaag.

Todobaadkii tagey, Wabiga Shabella oo Ku Fatahay Xaafadda Horseed ee Jowhar.

Roobka guga oo si wanaagsan uga curtay bishan gobollada dalka, ayaa meelaha qaar oo ay ugu daran yihiin Hiiraan, Shabeellooyinka iyo Gedo dadka degan ay qaylo dhaan ka muujinayaan fatahaadda Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM