Dagaal ka qarxay Cadaado iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

CADAADO, Soomaaliya - Wararka aynu ka halayno magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay Madaxtooyadda Galmudug, xilli mudooyinkii dambe uu jiray khilaaf madaxda maamulkan u dhaxeeyay.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo kawada tirsan maamulka Galmudug, balse kala taageersan labadda garab ee khilaafka uu u dhaxeeyo, kuwaasi oo garab kamid ah  hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka ay ku sugan yihiin Cadaado.
 
Iska horimaadka oo leysku adeegsanayo hubka daran-dooriga u dhaca ayaa waxaa uu yahay mid yimid markii ciidamo daacad u ah Madaxweyne ku xigeenka iyo Afayeenka Baarlamaanka Galmudug loo diiday inay galaan gudaha Madaxtooyadda.

Gudaha Madaxtooyadda waxaa ku jira mas'uuliyiin u badan Wasiiro maamulka Galmudug ka tirsan, Xilldhibaano iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, kuwaasoo Daacad u ah Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle [Xaaf].

Rasaasta dhaceysa oo xoogan darteed, Shacabka ayaa waxay sheegayaan inay lasoo dareystay baqdin xoog leh, waxaana dagaalka uu yahay mid sii xoogeysanaya saacadba mida kasii dambeysay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Laakiin, mas'uuliyiinta qaar ee ku jira gudaha Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado oo u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay diideen inay faah-faahiyaan dagaalka.

Colaaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka ka dhashay awood qeybsiga Galmudug uu cirka isku sii shareeyay, iyadoo dowladda Federaalkana lagu eedeeyay inay ku fashilantay dhexdhexaadinta madaxda maamulkan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM