DFS oo lagu eedeeyay inay kasoo horjeedo midowga Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image

DHUUUSAMAREEB - Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan oo war-saxaafadeed uu uga jawaabyey hadaladii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya soo saarey ayaa wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ahaa inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna, islamarkaana ay dowlada qaban doonayso 30-ka May shir lagu xalinayo. [Halkan ka akhri Warka].

Laakiin, qoraal kasoo baxay xafiika Sheekh Shaakir oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu beeniyay warka Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ee ah in khilaaf uu ka dhex-taagan madaxda Ahla Sunna iyo Galmudug.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegayey in heshiiskii Jabuuti ee ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna uu ka taagan yahay khilaaf qaabkii loo fulin lahaa iyo arrimaha awood qeybsiga labada dhinac.

“Waxaan u tanaasulnay midowga Galmudug iyo Ahlu Sunna. Dad qas-wadayaal ah oo labo shaqsi ah ma ahan Galmudug oo idil mana jirto khilaaf u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna,” ayaa lagu yiri qiraalka.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay joojiso fara-gelinta ay ku hayso Galmudug, una madax-banaaneyso madaxda maamulkaasi inay xalistaan arrimahooda gudaha.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxa xukuumada Galmudug ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Galmudug uu u kala jabay labo Garab, kuwaasoo kala jooga magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM