Diyaar-garowga Dowladda Soomaaliya ee weerarada Ramadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe cusub, oo lagu adkeynayo amaanka Muqdisho xilli bisha Ramadan, oo bilashadeeda maalmo kaliya ka harsan tahay.

Ciidamo isku dhaf ah, oo laga soo xulay Militeriga, Booliska, Nabad Sugida iyo Asluubta ayaa lagu soo bandhigay Muqdisho kuwaasi oo loo dhamaystiray agabkooda iyo Gaadiidkii ay ku howlgali lahaayeen.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Yaliye-yaasha Hay'adaha amniga dalka iyo duqa Muqdisho ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay Ciidanka loo xil-saarey xaqiijinta amniga Caasimadda.

Ciidamadan ayaa ku biiri doono howlgallada horey ay Muqdisho uga wadeen kuwa Xasilinta, waxaana la geyn doonaa Isgoysyada magaalada, ee lagu baaro Gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha magaalada.

Qorshahan ayaa ah mid dowladda ugu diyaar garowday kahor tagida weerarada Al Shabaab xilli Ramadan-ka, oo Kooxdan looga bartey inay kordhiso weeraradeeda.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA:

GAROWE ONLONE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM