Dowladda Soomaaliya iyo Maamullada oo Shir uga furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, Abukaate Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa wuxuu maanta Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka furay shir balaaran, kaasoo looga hadli dhowr arrimood.

Qodobka wayn ee kulankaan lagu fallanqayn doono waxaa kamid ah amaanka guud ahaan ee dalka, waxaana goobjoog ah xubno ka socda dowlad goboleedyadda dalka, kuwaasoo ka jeedin doono khudbado ku saabsan mawduuca shirku ku saabsan yahay.

Sidoo kale, shirkaan waxaa ka qeybgalaya wakiiladda Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya, kuwaasoo dhankooda ka jeedin doono kalimooyin ku saabsan hanaanka ugu wanaagsan ee lagu sugi karo amaanka guud ee dalka.

Qodobadda kale ee shirkaan lagu faa’qidi doono, waxaa kamid ah bixitaanka AMISOM, Dhisitaanka ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo waxyaabo kale oo loo arko inay yihiin kuwa muhiim u ah amaanka guud ahaan dalka.

Shirkaan ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid bishii mar ay isugu yimaadaan dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah dowlada Federaalka, iyadoona la filayo inuu socdo maalmo, islamarkaana lagu gaaro go’aamo waa weyn.

Lama shaacin tiradda xubnaha ka tirsan dowlada goboleedyadda ee shirkaan ka qeybgalaysa, maadaama mudooyinkii dambe mad-madow ku jiray xiriirka maamulada dalka iyo dowladda Fderaalka, kaasoo uu sameeyay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Kulankaan ay isugu yimaadeen madaxdaan ka kala tirsan dowlada Federaalka iyo maamulada dalka, ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo mudooyinkii dambe ay amaanka guud ee dalka uu umuuqday mid faraha kasii baxaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM