Dowladda Soomaaliya oo looga digay inay Hub siiso maamulada

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa uga digay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay hub siiso dowlad goboledyadd dalka.

Wuxuu sheegay in hadii ay dhacdo in hub la siiyo maamulada ay ka dhalan karto cawaaqib xun, maamul goboleedyada waxaa jira kuwa muran ka dhaxeeyo. 

Carabay ayaa cod dheer ku sheegay waqti xaadirkaan aanan la joogin xiligii maamulada la hubayn lahaan, isagoo dowlad Federaalka ugu baaqay inay diiradda saarto dhisitaanka ciidanka xooga dalka.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan shirkii Amniga Qaranka Baydhabo qodobadii kasoo baxay uu kamid ahaa in dowlada hub siiso maamulada.

Madaxdii kulankaas ka qeyb-gashay ayaa si gaar ah waxay ugu heshiiyeen in Puntland iyo Galmudug la siiyo taageero dhanka ciidanka, taasoo ay sheegeen inay isaga daafacayaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Warkan kasoo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili madaxda Galmudug uu khilaaf xooggan u dhexeeya, kaasi oo sababay inay u kala jabeen labo garab.

Garabka uu hogaaminayo Axmed Ducaale Gelle [Xaaf] ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, halka dhinac kale oo uu hor-boodayo Carabey ay joogaan Cadaado, oo aheyd xarunta KMG an uu ku shaqeeyo maamulkaasi.

Madaxdan ayaa isku haysta hanaanka awood qeybsiga ee heshiiskii Jabuuti, waxaana muuqata in wali aysan jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah, iyadoo dowladda Federaalka ku guuleysatay inay xaliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM