Dowladda Soomaaliya oo sida NGO Lacag ku deeqday Gurmadka Fatahaadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xugeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay hal milyan oo Dollar ugu deeqday shacabka ay fatahaadaha saameyeen.

Isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda, Mahdi ayaa sheegay in lacagtan tahay mid dowladda uga qeyb qaadanayso gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee wabiga Shabeelle uu kusoo fatahay.

"Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu," ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Kaalinta dowladda ayaa noqotay isku-dabaridka gurmadka ay shacabka iyo Hay’adaha bixiyaan, iyadoo aan laheyn qorsho degsan iyo sanduuq dhaqaale oo wax looga qabto masiibooyinka dalka ka dhaca.

Tan iyo markii ay shaqada ka tagtay Maryan Qaasim, Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka bishii April 2017 waxaan la magacaabin Wasiir qabto howshan gurmadka, waxaana shaqadaasi hadda qabto gudi gudi wadaado u badan oo loo dhiibo lacagaha deeqaha ah.

Maryan Qaasim ayaa sababaha is-casilaadeedii ku sheegtay is-barbar yaac iyo jawhareer ka dhex jira Xukuumadda, iyo in kaalinteedii shaqo uu qabanayo gudiga gurmadka ee hoostaga xafiiska Khayre.

Is-casilaadda Maryan ayaa timid markii laga wareejiyay howlihii gurmadka qaraxii Zoobe Oct 14, kaasi oo dadkii ku dhaawacmay gurmadkooda loo xilsaarey Gudiga ka kooban dhalinyaro qurba-joog ah iyo Wadaado gacan saar la leh dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM