Dowladda Soomaaliya oo sida NGO Lacag ku deeqday Gurmadka Fatahaadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xugeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay hal milyan oo Dollar ugu deeqday shacabka ay fatahaadaha saameyeen.

Isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda, Mahdi ayaa sheegay in lacagtan tahay mid dowladda uga qeyb qaadanayso gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee wabiga Shabeelle uu kusoo fatahay.

"Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu," ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Kaalinta dowladda ayaa noqotay isku-dabaridka gurmadka ay shacabka iyo Hay’adaha bixiyaan, iyadoo aan laheyn qorsho degsan iyo sanduuq dhaqaale oo wax looga qabto masiibooyinka dalka ka dhaca.

Tan iyo markii ay shaqada ka tagtay Maryan Qaasim, Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka bishii April 2017 waxaan la magacaabin Wasiir qabto howshan gurmadka, waxaana shaqadaasi hadda qabto gudi gudi wadaado u badan oo loo dhiibo lacagaha deeqaha ah.

Maryan Qaasim ayaa sababaha is-casilaadeedii ku sheegtay is-barbar yaac iyo jawhareer ka dhex jira Xukuumadda, iyo in kaalinteedii shaqo uu qabanayo gudiga gurmadka ee hoostaga xafiiska Khayre.

Is-casilaadda Maryan ayaa timid markii laga wareejiyay howlihii gurmadka qaraxii Zoobe Oct 14, kaasi oo dadkii ku dhaawacmay gurmadkooda loo xilsaarey Gudiga ka kooban dhalinyaro qurba-joog ah iyo Wadaado gacan saar la leh dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM