Duqa Muqdisho oo shaki geliyay doorashada Qof iyo Cod sanadka 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] oo wareysi siiyay Wargeysla "The Star" oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in doorasho qof-cod ah aysan ka dhici Karin Soomaaliya sanadka 2020.

Yariisow ayaa sababta ku sheegay in gacanta dowlada aysan ku jirin inta badan dhulka Soomaaliya 80%, sidaas darteeda ay macquul ahayn inay dhacdo doorasho qof iyo cod, oo degmo iyo deegaan kasta oo kamid ah dalka laga sameeyo.

Wuxuu intaas ku daray in marka laga hadlo xitaa Muqdisho ay ku jirto gacanta dowladda 50 boqolkiiba, taasoo uu tilmaamay inay tahay mid aan soo dedajin Karin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Tan iyo 2011, Muqdisho waxay ku jirtay gacanta dowladda, inkastoo ay Xukuumadda ku guuleysan inay amnigeeda hanato, kana hortagto weerarada horarka ah ee Kooxda Al Shabaab.

“Shaqooyinka Hay’addaheena waa kuwa si hoose u socda, taasoo ka dhigan in doorashadda qof iyo cod ah aysan 2020 macquul ahayn inay dhacdo, waxaana rajeynayaa inaan wax badan ka qaban doono arrimaha taagan,” ayuu yiri Yariisow.

Hadalka Yariisow ayaa kusoo beegmaya xilli uu maamulkiisa u ololeynaya in Muqdisho loo sameeyo maqaam gaar ah, oo ka duwan mika hadda jira oo magaacis ku yimaada, waxaana qorshahan horey xilkiisa ugu waayay Thaabit Cabdi Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM