Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday bartamaha Soomaaliya

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal Ciidan ayaa xaqiijiyay in diyaarado dagaal oo loo maleynayo kuwa Militeriga Mareykanka ay weerar dhanka cirka ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan, ee barmaha dalka Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid culus ayaa waxaa lagu burburiyay saldhiga Al Shabaab ay ku leedahay deegaanka Jiiljiilay, oo qiyaastii 4Km dhanka Koonfur uga beegan Tuulada Ceel-Cali oo kawada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa lagu dilay, sida uu sheegay Sarkaalka tiro dagaalyahano ah oo katirsanaa Al Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay agabkii yaalla saldhiga, oo gaadiid dagaal iyo saanad hub ah ay kamid ahaayeen.

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya wali kama aysan hadlin duqeynta, oo lagu soo beegay xilli laga cabsi qabo in Al Shabaab ay kordhiso qaraxyada iyo weerarada kale xilliga bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa [AFRICOM] ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya, ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish wixii ka dambeeyay doorashada Madaxweyne Trump.

Sanadkii tagey in ka badan 35 weerar ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geesteen qeybo kamid ah Soomaaliya oo Puntland ay ku jirto, iyadoo lagu dilay boqolaal katirsanaa Al Shabaab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya hadda ka jooga 500 oo Askari, oo qaabilsan caawinta Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM dhinac la dagaalanka Al Shabaab, waxaana ay fuliyaan mararka qaar howlgallo gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM