Duufaano Roobab Wata oo ku soo wajahan dalka Soomaaliya

Image

Roobab Dufaan wata ayaa la filayaa iney ku soo beegan yihiin gacanka Carbeed 24 saac ee soo socda   (Fiiri Jaantuska). Waxaa la sadaalinayaa iney ku soo siqaan Galbeedka Xeebta Gacanka iyagoo wata Roobab xoogan.

Hubin la’anta socodka xawaaraha dufaantaan ayaa la saadaalinayaa iney saameynta ugu badan ku yeeshaan Koonfurta dalka Yamen iyo Woqooyiga Soomaaliya iyagoo khatar hoose ku leh dalka Jabuti marka la gaaro dhamadka Asbuucaan, sidaas waxaa lagu shaaciyey Barta Releifweb oo ka hadla arimaha bini’aadnimada.

Marka la eego sawirka xariiqda Gacanka Cadmeed, waxay u egtahay in roobabku u dhexeeyaa 50-100mm ay ku dhici doonaan labada xeebood ee  Yemen iyo Soomaaliya, iyada oo ay ku dhowdahay iney garaaan roobabkan 250mm.

Dalka Soomaaliya oo weli ku jira roobabkii Gu’ga ayaa waxaa sababey in Gobolada Koonfureed ka dhacaan fatahaado wabiyada ah halka Gobolada Bariga fog ee Woqooyi Bari Soomaaliya ku yaryihiin xili roobkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM