Farmajo oo gaarey Baydhabo, ajandooyinka Shirka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka socodaalka ee wafdiga Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka Amniga Qaranka ee ka furmaya magaalada saacadaha soo socda, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda Federaalka.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Farmajo uga soo hormaray saaka magaalada Baydhabo, isagoo uu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan. [Halkan ka akhri Warka].

Madaxweynayaasha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hal diyaarad ku tagey Baydhabo, iyadoo la filaya in hogaamiyaasha HirShabelle iyo Jubbaland ay soo gaaraan goordhaw.

Sidoo kale, waxaa caasimad goboleedka Bay gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow], kaasoo isana Shirka Amniga Qaranka ku metalaya shacabka ku dhaqan Caasimadda.

Shirkan oo daba socda shirarkii hore ee lagu qabtey Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in diirado lagu saaro arrimo ay kamid yihiin Khayraadka dalka iyo sidii loo qeybsan lahaa, iyadoo qodobkan wadatashiyo laga yeelan doono.

Inkastoo la sheegay in kulankaan lagu faa'qidi doono Amniga dalka, hadana waxaa jira mawduucyo kale, kuwaasoo ku hareeraysan kulankaan oo ah, Khilaafka madaxda maamulada qaar iyo dowlada, iyo midka Galmudug dhexdooda.

Shirkaan ayaa ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf uu u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, kadib markii ay ku kala feker duwanaadeen sida ay Xukuumadda Khayre u wajahday arinta Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM