Farmajo oo gaarey Baydhabo, ajandooyinka Shirka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka socodaalka ee wafdiga Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka Amniga Qaranka ee ka furmaya magaalada saacadaha soo socda, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda Federaalka.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Farmajo uga soo hormaray saaka magaalada Baydhabo, isagoo uu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan. [Halkan ka akhri Warka].

Madaxweynayaasha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hal diyaarad ku tagey Baydhabo, iyadoo la filaya in hogaamiyaasha HirShabelle iyo Jubbaland ay soo gaaraan goordhaw.

Sidoo kale, waxaa caasimad goboleedka Bay gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow], kaasoo isana Shirka Amniga Qaranka ku metalaya shacabka ku dhaqan Caasimadda.

Shirkan oo daba socda shirarkii hore ee lagu qabtey Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in diirado lagu saaro arrimo ay kamid yihiin Khayraadka dalka iyo sidii loo qeybsan lahaa, iyadoo qodobkan wadatashiyo laga yeelan doono.

Inkastoo la sheegay in kulankaan lagu faa'qidi doono Amniga dalka, hadana waxaa jira mawduucyo kale, kuwaasoo ku hareeraysan kulankaan oo ah, Khilaafka madaxda maamulada qaar iyo dowlada, iyo midka Galmudug dhexdooda.

Shirkaan ayaa ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf uu u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, kadib markii ay ku kala feker duwanaadeen sida ay Xukuumadda Khayre u wajahday arinta Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM