Khayre oo gaarey Baydhabo iyo madax kale oo ku wajahan

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa saaka oo Axad ah gaarey magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa ayaa Ra'iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Shaati-Gaduud International Airport.

Ujeedka socodaalkiisa ayaa ah ka qeybgalka shirka Amniga Qaranka oo saacadaha soo aadan ka furmaya Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo oo daba socda shirkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho.

Sidaasi si lamid ah, hogaamiyaasha maamul goboleedyadda Shanta ah ee xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in dhamaantood ay maanta gaaraan Baydhabo.

Qaban-qaabada soo shirka amniga qaranka ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay.

Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo dhamaan wadooyinka soo gala caasimada KMG Koonfur Galbeed la dhigay ciidamo aad u tiro badan, kuwaasi oo gaadiidka iyo dadka baaraya.

Shirkaan oo socon doonaa maalmo ayaa waxaa la filayaa in madaxda ay kasoo saaraan dhamaadkiisa war-murtiyeed ay isku raac-san yihiin dhinacyadda ka qeyb-galaya.

Kulan madaxeedkan ayaa kusoo aadayaa iyadoo khilaaf uu u dhaxeeyo madaxda maamulada dalka qaar iyo kuwa dowladda uu jiro, waxaana la ogeyn in ajandooyinka shirka kamid noqon doono arrimaha la isku hayo.

Tiro labo jeer ah ayuu horey u baaqday shirkaan, waxaana sababta ay tahay mid wali aanan caddeyn, inkastoo warar Warisdaha GO helayo sheegayaa inuu salka ku hayo khilaafka dhinacyada ka dhaxeeya.

HOOS KA DAAWO SOO DHAWEYNTA KHAYRE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM