Farmaajo oo la kulmay Ciidamada ku jira Xerada Jeneraal Gordan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga loogu geeyay Ciidamada ku jira Saldhigga Jeneraal Gordan, si uu u xaliyo xiisadda u dhaxaysay Ciidamada Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa Militeriga.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Askar iyo Saraakiil ku sugan Saldhiga, isagoo kala hadlay arrimo uu kamid yahay dagaalkii Ciidamada dhex-maray kaasi oo salka ku hayay boob iyo dhac loo geestay agabkii military ee Imaaraadka uga tagey Xerada.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Askarta inay iska iloobaan dhacdaas, islamarkaana hor looga sii socdo maadaama aysan ahayn wax ku cusub Ciidamada Xoogga dalka.

Kulankan ayaa yimid xilli Xiisad ay ka taagnayd Xerada Tababarka Ciidanka Jeneraal Gordan wixii ka dambeeyay markii Imaaraadka uu tababariyaashii kala baxay saldhigga, oo mudo sanado ah tababar ku siinayay boqolaal Askari.

Ciidamada uu la kulmay Farmaajo oo gaarayay 270 Askar, oo 60 kamid ah yihiin Kumaandoos ayaa ka codsaday in jawaiga Saldhigga lagu soo celiyo sidii hore, islamarkaana ay kusoo laabtaan Askartii ku firxatay dagaalkii dhawaan dhacay.

Madaxweynaha ayaa cafis u fidiyay dhamaan Ciidamadii uu dagaalka dhexmaray, oo qaarkood xabsiga ku jira,qaarna baxsatay, isagoo u balan qaadey Askari walba in la siin doono mushaaarkiisa bil walba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM