Hadal jeedinta Musharaxiinta Gudoomiyaha BFS oo lasoo afjaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa dhageystay Khudbadaha shan Musharax oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaasi oo kamid ah 11 Musharax, oo iskusoo soo taagey xilka Afhayeenka gollaha.

Musharraxiinta Maanta hadalka jeediyey ayaa soo bandhigay barnaamijkooda Siyaasadeed, Taariikhdooda nooleed, Khibradahooda shaqo si ay u helaan codadka iyo Kalsoonida Xildhibaannada.

Shanta Musharrax ee hadlay ayaa waxay kala ahaayeen:

1- Xildhibaan Sarreeye Gaas Shariif Sheekh Maye

2- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye

5- Xildhibaan Iimaan Cabdullaahi Cali

Doorashada guddoomiyaha Gollaha shacabka ayaa la filayaa in la qabto 30-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, iyadoo tartanka ay ka qeyb-galayaan 5 Wasiir oo iska-casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda.

Musharaxiinta ayaa ah dhamaan Xildhibaanno laga soo doortey Koonfur Galbeed, waxaana ay u tartamayaan Kursiga uu iska-casiley Maxamed Cismaan Jawaari 9-kii bishan, kadib Mooshin laga keenay oo abuuray Khilaaf mudo bil ah taagnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM