Hub laga bililiqeystay Saldhigga Gordan oo lagu iibinayo Suuq madow [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hub laga soo bililiqeystay Xeradii uu ka baxay Imaaraadka ee Jeneraal Gordan Isniintii lasoo dhaafay, ayaa lagu kala iibsanayaa si qarsoodi ah suuqyada magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Rueters.

Ugu yaraan 600 oo qori oo ah nooca AK-47, islamarkaana ay ku qoran tahay Caalamadda [SO XDS], oo muujinaysay inay leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa laga iibiyay Ganacsatada hubka ee Muqdisho.

Hubkan oo lagu soo sameeyay dalka Shiinaha ayaa waxaa wadanka keentay dowladda Imaaraadka Carabta, oo siisay boqolaalka Askari ee ay ku tababartay Xerada Jeneraal Gordan.

Jaamac Cali oo kamid ah Ganacsatada hubka iibsatay, oo la hadlay Rueters ayaa sheegay in halkii qori ay ku iibsadeen inta u dhaxaysa $600 illaa $700, iyadoo hubkaasi ay u keeneen Askar katirsan dowladda, oo kasoo boobey Xerada Jeneraal Gordan.

Ganacsatada ayaa dib ugu iibiyay qoryaha midkiiba $1,000, iyadoo ay suurta gal tahay in hubkaasi uu gacanta u galay Al-Shabaab, oo hubka ay kula dagaalamayso dowladda ka hesho gudaha dalka.

Qoriga cusub ee AK-47 ayaa horey uga joogey suuqdayada $1,350 [Kun iyo Saddex boqol iyo Konton Doollar], iyadoo hadda qiimahaasi uu ku yimid hoos u dhac kadib markii hub badan oo laga soo dhacay Saldhigga Jeneraal Gordan lasoo geliyay Suuqa.

"Maalinta ugu fiican ganacsiga hubka waa maalinta uu dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda," ayuu yiri Xasan Abuja, oo ah Ganacsade kale oo la hadlay Rueters.

Waxaa jira hub kale oo la sheegay in lagala soo baxay Saldhiiga Jeneraal Gordan maalintii uu iska hor-imaadka ku dhexmaray halkaasi Ciidamada Militeriga iyo kuwa uu Imaaraadka tababaray kaasi oo wali lasoo gelin suuqyada.

Saraakiisha Wasaaradda difaaca ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan hubka lagu iibinayo suuqyada madow ee Muqdisho, iyadoo Wasiirka wasaaradda uu xilka iska-casiley labo maalin kahor si uu ugu tartamo xilka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM