ICRC oo xaqiisay in shaqaale looga afduubay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Hay'adda ICRC ayaa xaqiijisay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxa ICRC ee xafiiskeeda Soomaaliya, Daniel O'Malley ayaa sheegay in Gabadha la afduubay ahayd Kalkaaliye caafimaad, oo dhalatay dalka Jarmalka.

"Aad baan uga walaacsanahay badqabka gabadha nala shaqeynaysay," ayuu yiri Daniel O'Malley, isagoo intaasi ku daray in ay xiriiro arintan kala sameeyeen Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya.

Afduubka ayaa dhacay xalay abaare 8 p.m. waqtiga Muqdisho kadib markii koox hubaysan ay galeen xarunta ICRC ee ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe, dhinaca degmada Wadajir.

"Waxay ahayd Kalkaaliye caafimaad oo maalin walba ka shaqeynaysay badbaadinta iyo sare u qaadista caafimaadka shacabka danta yar ee Soomaaliya," ayuu War Saxaafadeed ku yiri Daniel O'Malley.

ICRC ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu sii daayo gabadhan la shaqeynaysay, waxaana hay'adda ka gaabsatay inay fahfaahin dheeraad ah ka bixiso afduubka.

Wararka kale ee Warsidaha Garowe Online uu ka helay qaar kamid ah Shaqaalaha Soomaalida ICRC ayaa sheegaya in afduubka ay ku lug leeyihiin rag katirsan ilaalada amaanka Hay'adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM