Jubbaland oo amaro culus dul-dhigtay Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Kadib kulan saacado badan qataay oo ay yeesheen mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland, oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa kulanka wixii looga hadlay faah-faahiyay Ku xigeenka Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Jubbaland, Cabdiraxmaan Xaaji Axmed, isagoo sheegay in mas'uuliyiinta ay dood ka yeesheen g'aan cusub oo Odayaasha Dhaqanka kahor istaagaya inay shiran.

Wuxuu sheegay in Odayaasha laga doonayo in ka hor inta aysan qaban shir ayaa u jeedkiisa kusoo war-geliyaan Wasaarada Arrimaha Gudaha Jubbaland, kadibna ay waydiistaan fasax ay ku qabsadaan kulamada.

“Odayaasha dhaqanka, waxay hoos-tagaan Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidaas darteeda waxaa laga doonayaa in wax walba oo ay sameynayaa ay ku war-geliyaan Wasaarada oo ay kamid tahay shirarka ay qabanayaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xaaji.

Ma uusan sheegin talaabada uu maamulka Axmed Madoobe ka qaadi doono cidii iyadoo aan kusoo war-gelin Wasaarada qabata Shir, islamarkaana u hogaansami wayda amarada lasoo saarey.

Talaabadan uu ku dhawaaqay maamulka Jubbland waxay qeyb ka tahay wax lagu sheegay caburin lagu hayo Odayaasha, Wax-garadka iyo waliba Siyaasiyiinta ee dhaliilsan waxqabadka maamulkaasi, oo hadda ka kulmaya mucaarado gudaha iyo dibada ah.

Dhowaan xubno siyaasiyiin iyo Xilldhibaano oo kasoo jeeda Jubbaland ayaa ku shiray Muqdisho iyo meelo kale, iaygoo dhaleecayn dusha uga tureen maamulka uu hada hogaamiyo Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM