Kenya oo Askar badan looga dilay Qarax ka dhacay Dhoobley [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

DHOOBLEY, Soomaaliya - Ugu yaraan 8 Askari oo katirsanaa Ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax Miino oo Kolonyo ay la socdeen lagula eegtay shalay gelinkii dambe duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa haleeyay mid kamid ah gaadiidka Kolonyada Ciidamada Kenya xilli ay kasoo gudbeen xuduuda, kuna sii jeedeen Saldhig ay ku leeyihiin degmada Dhoobley, sida uu xaqiijiyay Sarkaal katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya.

Wararka ayaa sheegay in labo Askari oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa miino, kuwaasi oo diyaarad looga soo qaadey Goobta lana dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxaana ay ku faantay inay ku dishay 15 Askari oo saarnaa Gaari la beegsaday, kaasi oo gebi ahaantiisa ku burburay qaraxa miino.

Qaraxan ayaa qeyb ka ah weeraro joogto ah oo Ciidamada Kenya lagula eegto gobolka Waqooyi Bari iyo gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ku dhinteen boqolaal Askari.

Al-Shabaab ayaa dhibaato xooggan oo dhanka amniga ku haysa Kenya, oo kamid ah dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo tan iyo 2012 ka howlgalaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo cunaqabateyntii ka qaaday Eritrea: Maxay uga dhigan tahay Itoobiya, Soomaaliya iyo loollanka Badda Cas?

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii ka saartay liiska cunaqabateynta…

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 01:47PM

Mareykanka oo soo saarey Go'aan cusub oo la xiriira Amniga Soomaaliya

Soomaaliya, isbeddelkan wuxuu sidoo kale kordhin karaa baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda gudaha ee saadka ciidamada.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 10:56AM