Madaxda maamulada Soomaaliya oo ku kulmaya magaalada Baydhabo [AKHRI]

Image

GAROWE- Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya ahna Madaxweynaha Puntland ayaa lagu iclaamiyey in kulankaan lagu qaban magalaada Baydhabo bartamaha bishaan.

Madaxwehnaha Puntland oo ku saxiixan wargalinta kaasoo ku taarikheysan 6 May, 2018 ayaa madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshable iyo Galmudug u direy qoraal uu ugu sheegayo in magalada Baydhabo 13 May, 2018 shirkaan ku qabsoomi doono.

Kulankaan oo noqonaya midkii 2aad tan iyo markii golahaan lagu aasaasey magaalada Kismayo ayaa ku soo beegmaya markale xilli xiriirka maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federalaka u dhexeeya uu marayo heerkii ugu hooseeyey.

Waxaa horey u baaqdey kulan golahaan ku yeelan magaalada Garowe kaasoo sida wararku sheegayaan baaqdey kadib markii uu ku soo beegmey khilaafkii u dhexeeyey Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Federalaka ah iyo Villa Soomaaliya.

Maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa sida la rumeysan yahay ku kala aragti duwan qaabka Villa Somalia u wajahdey khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka.

Xiriirka xun ee u dhexeeya maamulada iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa uu caqabad ku yahay qorshaha la rabo in lagaga hirgaliyo dalka doorashooyin madax-banaan ee dhaca sanadka 2020 iyo dhisme ciidamo qaran kuwasoo meesha ka baxaya hadii khilaafkaan noqdo mid sii socdo.

Kulnakii lagu aasaasayey golahaan ee ka dhacey magalaada Kismaayo ayaa dowlada Federaalka ah waxaa ay isku daydey iney baajiso balse uma suurtoobin iyadoo ay kasoo baxeen qodobo intooda badan waxba ka hirgalin.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM