Mareykanka oo u hanjabey Al-Shabaab kadib markii Askari laga dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoogaga taabacsan Daacish ee ku sugan Puntland, kadib markii Askari looga dilay weerar ka dhacay Jimcihii duleedka Kismaayo.

Thomas Waldhauser, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa [AFRICOM] ayaa sheegay inay sii wadi howlgallada lagu wiiqayo khatarta Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee amniga gobolka.

“Istaraatiijiyadeena Geeska Africa waa inaan dhisnaa awoodda Ciidamda aan saaxiibada nahay si loo xaqiijiyo in laga adkaado kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah gobolka, Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri Thomas.

War Saxaafadeed uu soo saarey Taliyaha AFRICOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kaashanayo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya si uu dalalka Geeska Africa uga ciribtiro argagaxisada.

Hadalka Thomas Waldhauser ayaa yimid kadib markii Askari American ah lagu dilay, 4 kalena lagu dhaawacay weerar Jimcihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku qaadey saldhig cusub oo ku yaalla deegaanka Sanguuni, oo 350-KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 800 Askari oo Mareykan, Kenya iyo Soomaali isagu jiray ay ku sugnaayeen saldhiiga la weeraray, kuwaasi oo dagaal la galay xoogagii Al-Shabaab-ka ee kusoo duulay.

Washington ayaa kordhisay howlgallada dalka Geeska Africa ku yaalla sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo howlgalladii ay Ciidamada Mareykanka fuliyeen lagu dilay xubno badan oo Al-Shabaab iyo Daacish kamid ahaa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii March ee 2017 ayaa ku amray Ciidamada dalkiisa inay labo-jibbaaraan weerarda duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM