Mukhtaar Roobow oo u dhoofay Sacuudiga [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay ka dhoofay dalka tan iyo markii uu dowladda Federaalka isku soo dhiibay 2017, sida uu Garowe Online ogaadey.

Roobow oo si wayn loogu yaqaan Abuu Mansuur ayaa lagu arkay Fiidnimadii Isniinta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaasi oo uu ka raacay diyaarad kusii jeeday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay gudashada acaamsha Cum-radda, sida illo wareedyo ku dhow Roobow u sheegeen GO.

Roobow oo isasa soo dhiibay 13-kii bishii Agoosto ee sanadkii hore 2017, ayaa la sheegay inuu dowladda Federaalka ka helay balan-qaadyo waxa ay yihiin la shaacin, waxaana mudooyinkii dambe abaabul ciidan ka waday gobolka Bakool.

Bishii June ee sanadkii 2017, Mareykanka ayaa Roobow ka saarey liiska xubnaha uu ku sheego inay argigixiso yihiin, isagoona u ogolaaday inuu u safri karo meel ka baxsan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kasoo saariin socodaalka Mukhtar Roobow ee Sacuudiga, laakiin waxaa la xaqiijinayaa inay la socdaan xubno ka tirsan Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Roobow ayaa kamid ahaa aas-aasiyaasha Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al Qaacida, isagoo kasoo qabtey intii uu kamid ahaa xilal ay kamid yihiin ku xigeenka hogaamiyaha Kooxda iyo Afhayeenkeeda.

Sanadkii 2013 ayuu kasoo goostay isago iyo hogaamiye-yaal kale oo Xasan Daahir uu kamid yahay, kadib markkii ay is-khilaafeen hogaamiyihii la dilay Axmed Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM