Nin Muqdisho ku dilay 4 qof oo ka mid ah Qoyskiisa, isna is-dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dil fool xun, oo naxdin leh, islamarkaana ku cusub shacabka Soomaaliyeed ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Nin ku hubaysan qoriga AK-47 ayaa afar qof oo kamid ah qoyskiisa, oo ay kamid tahay Xaafiisa ku dilay Xaafadda ku taalla Warshadii hore ee Sifetnta Batroolka ee degmada Wadajir.

Gacan ku dhiiglaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir Maxamuud Caddaan ayaa toogasho ku dilay hal mar Xaaskiisa, Walaashiisa iyo labo kale oo ilmo adeer yihiin, isagoo kadibna is-dilay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Cabdiqaadir uu shalay soo iibsaday qoriga, kadibna uu maanta oo Sabti ah ku fuliyay dilka naxdinta leh.

Dadka la laayay ayaa lagu kala magacaabi jiray;

1 - Xaliimo Xuseen Cali Kowshe - Xaaskiisa

2 - Xaawo Maxamuud Caddaan - Walaashiisa

3 - Maxamed Tuur-yare - Ilmo adeer

4 - Cabdullaahi Maxamed Yalaxow - Ilmo Adeer

Ciidamada dowladda, ayaa wax yar kadib gaarey halka uu dil-wadareedka ka dhacay, iyadoo aan jirin wax fahfaahin ah oo Saraakiisha amniga ay ka bixiyeen dhacdadan iyo sababta keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM