Oday kamid ahaa Ergadii doorashada oo Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Oday kamid ahaa Ergadii doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gabal-dhicii maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe ay dilalka qorsheysan ay kusoo banadanayeen.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in dilka oo ay geesteen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan uu ka dhacay degmadda Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Suleyman Abiikar Fooldheere, ayaa lagu dilay Waaxda 3aad ee Xaafadda Dabaqeynka ee degmada Dharkeenlay, sida uu Goobjoogaha sheegay.

Kuwa falkan khaarijinta ah geestay ayaa goobta ka baxsaday, kahor inta aysan Ciidamada amaanka degmada soo gaarin, kuwaasi oo sida caadada ah sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka u ridata falalka ceenkan ah ee ka dhaca magaalada Caasimadda ah.

Saraakiisha amaanka ee maamulka degmada Dharkenlay oo ka hadlay falkaan lagu dilay Nabadoonka caanka ka ahaa Degmada Dharkenlay waxay sheegeen inay ku daba jiraan ragii ka dambeeyay, ayna cadaaladda horkeeni doonan.

Dharkenley ayaa kamid ah meelaha ugu amaanka xun Muqdisho, waxaana ay sidoo kale tahay degmada ugu badan ee lagu beegsado saraakiisha, masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada Federaalka.

Maamulka degmadda ayaa lagu eedeeyaa inuu ka gaabiyey wax ka qabashadda falalka lidka ku ah amniga, mana muuqato qorshayaal wax looga qabanayo dilalkaan soo banaya ee loo geysanayo dadka Hal-doorka u ah Bulshadda Soomaaliyeed.

Dilalka iyo weerarada ayaa dhacaya xilli Ciiidamo isku dhaf ah dhawaan loo xilsaarey amniga magaalada inta bisha Ramadan lagu guda jiro, kuwaasi oo wadooyinka muhiim babauurta ku baara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM