Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus oo sababay khasaaro ayaa caawa fiidkii ka dhacay koonfurta magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa mid baabuurkiisa loogu xiray sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Korneyl Cali Raage ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Tarabuush ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Korneylka oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa gaarigiisa loogu xiray, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Kooxa Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Dhanka kale, dil qorsheysan ayaa ka dhacay mid kamid ah xaafadaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasoo loo geystay Ganacsade Soomaaliyeed, oo magaciisa lagu soo koobay Aw Aadan, oo ahaa shaqsi caan ah.

Dilkaan oo ay geysteen koox ku hubeysan Bastoolado ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga Masaajidka Cabdiraxmaan Bin Coof, ayaa waxaa dableydii falkaan ka dambeysay waxay isaga baxsadeen goobta ka hor inta aysan imaan ciidanka amaanka.

Aw Aadan ayaa wuxuu ahaa Ganacsade caanka ka ah Xaafadaha ku dhaw-dhow Isgoyska dabka, waxan dadka deegaanka inoo sheegeen in xilliga la dilayey uu kusii jeedya gurigiisa.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilkaan qorsheysan, laakiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxay inta badan ay dhabarta uritaan weerarada noocaan ah, iyagana ayaana mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhaca caasimada.

Amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u muuqdaa mid faraha kasii baxaya iyadoona laamaha amaanka ee dowlada ay ku guul dareystaan soo qabshada raga dilalka qorsheysan ka geystay Magaalo madaxda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM