Qarax is-miidaamin oo ka dhacay Muqdisho; khasaaro ka dhashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Talaadada maanta ah ka dhacay degmada Xamar-jajab, gobolka Banaadir ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo uu fuliyey qof naftii halige ah isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay nawaaxiga Akadeemiyadda Booliska Soomaaliya ee loo yaqaano Iskuul Polozio.

Taliska Booliska ayaa sheegay in is-qarxiyaha uu beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen sarakaiil ciidan. Balse wuxuu ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in uu burbur soo gaarey dhismeyaal kale oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen kuwaasoo ay ku jiraan guryo dad shacab ah.

"Aniga dadkii ugu horeeyay ee meesha tagay ayaan kamid ahaa. Waxaan indhaheyga saarey meydad laakiin makuu sheegi karo tirada saxda ah ee dhimashada sababtoo ah waxaa jira meydad kale oo gaadiidka caafimaadku qaadeen," ayuu yiri goobjoogaha.

Ma jiro koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacidda.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya caasimadda oo isku diyaarineysa martigelinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda oo loo qorsheeyay Febraayo, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM