Qorshe loo dejiyay weerarada Al-Shabaab ee Bish Ramadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa shaaciyay inay billaabeen qorshe cusub, oo ay ugu diyaar-garoobayaan weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan.

Brig Paul L’Okech, oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee AMISOM oo qaabilsan Muqdisho iyo gobollada ku dhaw ayaa sheegay in howsha sugida amniga ay iska kaashanayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka gacan siiso Ciidamada Soomaaliya adkeynta amaanka Caasimadda oo laga cabsi qabo in Al Shabaab ay weeraro ka fuliso bisha Ramadan.

"Al Shabaab sida looga bartay waxay weeraro ka fuliyaa bisha Ramadan magaalada Muqdisho, sidaasi darteed waxaan sameynay diyaar-garow aan uga hortagayno qorshahaas," ayuu yiri Brig Paul L’Okech.

Meelaha laga baqdin qabo inay bartilmaameedsato Al-Shabaab ayaa ah Goobaha dadweynaha sida Suuqyada, Hoteelada, Saldhigyada AMSIOM iyo xaruumaha dowladda Soomaaliya ee Muqdisho.

Brig Paul L’Okech ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka inay sameeyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana bulshada iska-kaashi kala yeeshaan kahor tagida weerarada.

Al-Shabaab ayaa laga saarey lixdii sano ee lasoo dhaafay dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla, oo Muqdisho kamid tahay balse wali Kooxda ayaa awooda inay fuliso weeraro culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM