Saldhigyo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose oo 'la burburiyay' [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Miltariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay Ciidamada Daban ka fuliyeen deegaano ku ku yaalla Gobolka Jubba Hoose ay ku burburiyeen fariisamo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Danab ayaa sheegay in iyagoo garab ka helaya kuwa Mareykanka ay fuliyeen Howlgalka oo ka dhacay deegaanada Kamsuuma, Jamaame Kaban iyo duleedka Baarsanguuni halkaasi oo ay ku dileen 25 kamid Al-Shabaab.

Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya warkanka Militeriga dowladda Federaalka kasoo baxay, kaasi oo lagu soo beegay xilli Al-Shabaab ay Arbacadii sheegtay inay weerar jidgal ah ku qaadey Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Jubbaland xilli ay ku safrayeen inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Buula-Gaduud. 

Mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka wadeen gobolada Koonfurta Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka ay dhowr jeer horey u shaacisay duulaan dalka oo dhan lagu xasilinayo.

Shirkii Baydhabo ayaa hogaamiyaasha dalka kasoo saarey War-murtiyeed ku baaqaya in la dardar geliyo howlgallada Military ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lana diyaaro ciidamo ku filan amaanka dalka, oo AMISOM kala wareegi kara mas'uuliyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM