Sarkaal Ciidan oo lagu dilay magaalada Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dabley hubeysan ay toogasho ku dishay Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dilka Askriga oo ay ka dambeysay Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa waxay ka baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay oo ah meel aad uga fog xarunta degmada Shibis, sida Dad goobjoog ahaa ay kusoo waramayaan.

Warar ayaa sheegaya in ragga hubeysan dilka kadib ay horey usii qaateen Qorigii uu watay Askariga la dilay, kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Qataatoow.

Laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta yimid, waxaana lagu soo waramayaa inay bilaabeen howlgalo ay ku baadi-goobataan Ragii falkaan ka dambeeyay, kuwaasoo falkaan kadib isaga baxsaday goobta.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanayey dilalka loo geysanayo Askarta dowladda, kuwaasoo inta badan ay dhabarka uridanayeen masuuliyadooda Dhaqdhaqaaqa Hubeysan ee Al-Shabaab.

Inkastoo dilkaan caawa oo Jimco ah ka dhacay magaalada Muqdisho aysan sheegan AlShabaab, hadana weerarada noocaan ah iyaga ayaa looga bartay, wallow Kooxda Daacish ay mudooyinkii dambe sheegaynayso dilal ka dhaca Muqdisho.

Waa Askarigii ugu horeeyay ee ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo lagu dilo Magaalada caasimada ah ee Muqdisho tan iyo sidii ay bilaabatay bisha Barakaysan ee Ramadan, taasoo maalintii Labaad lagu guda jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM