Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil Gaari oo sababay Khasaaro isagu jirta dhimasho iyo dhaawac Xaafada ayaa saaka oo Axad ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Shilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex, ee degmada Hodon kadib markii Gaari nooca xamuulka qaada oo marayey wadada wayn ee isku xirta Isgoyska KM4 iyo Tarabuunka gaara ahaan Dal-cadda Taleex uu ku rog-maday dad wadada marayay.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo labo kamid ah ay ahaayeen hooyo iyo wiilkeeda, ayaa ku dhintay halka labo kelana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaalka, sida Garowe Online u sheegay Goobjooge.

Saraakiisha amaanka iyo kuwa gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, si ay gurmad ugu fidiyeen dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay shilka iyo inay kasoo hoos bixiyaan dad ku hoos jiray baabuurka gadoomay.

Gaariga rog-maday ayaa wuxuu kusoo baxay Dekeda Muqdisho, waxaana ku rarnaa raashiinka noocyadiisa kala duwan ah oo uu u waday Suuqa Bakaaraha.

Dadka goobta tagey ayaa sheegay in tanka saarnaa Gaarigan uu ahaa mid xad-dhaaf ah, taasoo keentay inuu qalibmo.

Inta badan shilalka ka dhaca caasimada Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo xirfad la'aanta darawalada badankood, kuwaasi oo u kaxeeya gaariga si aan mas'uuliyad ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM