Shir caalami ah oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa magaalada Muqdisho shir heer caalami ah, oo looga hadlay kahor-tagida jarista iyo ka ganacsiga Dhuxusha dalka Soomaaliya.

Shirkan oo shalay ka furmay xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeyb-galay wafuud heer caalami ah oo ka kala socota Hay'adaha QM, Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska Kaalmeynta QM ee Soomaaliya [UNSOM] ayaa soo qaban-qaabiyay Kulankan, iyadoo lagu casuumay oo ay ka qeyb galeen Hay'adaha UN Enviroment, UNDP iyo FOA.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo daah-furay Shirka, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo joojin lahaa jartista dhirta, oo xaaluf iyo nabaad-guur ku haya dalka.

"Waxaan u baahanahay jawaab xal u noqon karta dhibaatada dhoofka dhuxusha Soomaaliya, ayuu yiri Guuleed isagoo intaasi ku daray in looga baahan yahay dalalka loo iib-geeyo dhuxusha laga keeno Soomaaliya inay qeyb ka noqdaan xalka.

Gollaha Amaanka QM ayaa sharci darro ah ka dhigay oo mamnuucay Dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya 2012 sababtoo ah saameynta dhinac deegaanka ay ku leedahay jarista dhirta.

QM ayaa sheegtay in qiyaastii Sideed Milyan iyo Labo Boqol oo Kun oo Geed la jaray intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2017, waxaana ay ka digtay in arintan ay keeni karto bur-bur dhanka deegaanka, cunto yari, fatahaado iyo abaar.

Warbixinta QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in 80% dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya loo iib geeyo dalalka Khaliijka Carabta iyo kuwa deriska la ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM