Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya Brussels

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa u dhoofay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka halkaasi oo ka furmaya shir caalami ah, oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirka Brussels ayaa diiradda lagu saari doonaa dhismaha Ciidamada qaranka Soomaaliya iyo sidii AMISOM ay ugula wareegi lahayeen mas’uuliyadda amniga.

Dalalka tageera dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ha’yadaha deeqaha bixiya ayaa ka qeybgalaya kulanka, oo daba socda shirkii London 2017.
Bishii lasoo dhaafay, kulan gogol-xaar u ah Shirka Brussels ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay dhisamaha iyo tayeynta Ciidamada xoogga dalka.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageeraya dib u dhisma Ciidanka qaranka ayaa dhawaan joojisay howlihii tababarka Askarta, kadib markii uu meel hoos gaarey xiriirka labada dowladood.

Boqolaal Askari oo Imaaraadka uu tababaray ayaa hadda soo wajahday hubanti la’aan kadib markii ay Muqdisho ka baxeen tababariyaashii Imaaraadka gacanta ku hayay, oo mushaaraadka iyo tababarka ka taageeri jiray.

Askartii ku jirtay Saldhiga Jeneraal Gordan ayaa la sheegay in qaar katirsan ay boob u geesteen agabkii military ee yaalla Bakhaarada iyagoo qaatey hub u badan qoryaha fudud, kuwaasi oo si suuq madow ah ugu iibiyeen Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM