Shirka amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels [Daawo]

Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa daah-furey Shirkan, oo ay ka qeybgalayaan wafuud ka kala socota beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, QM, Midowga Africa, Khubaro dhanka amniga iyo Hay'adaha deeq-bixiyaasha.

Kheyre ayaa shirka ka jeediyay Khudbad dheer oo uu uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, horumarka laga gaarey la dagaalanka Al-Shabaab iyo halka uu marayo qorshaha dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka.

Micheal Keating, Ergayga QM ee Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa iyo Madaxa AMISOM  Francisco Madeira ayaa sidoo kale ka hadli doono shirka Brusells, iyagoo filayo in ay ka hadlaan meelmarinta qorshaha kala guurka iyo caqabada hortaagan hirgelinta qorshan.

Qorshaha kala guurka, oo ah midka ay Ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya, sidoo kalena mas'uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidamada qaranka ayaa ah ajandaha ugu weyn ee shirka ka furmay Brusells.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Shirka Brusells ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha dibadda EU, isagoo ka warbixiyay waxyaabaha diirada lagu saarayo.

Kulanka Brusels ayaa daba socda shirkii Muqdisho ka dhacay bishii hore kaa oo diiradda lagu saaray sameynta iyo qalabeynta ciidan qaran oo xoog leh ka hor inta aynan Soomaaliya ka bixin AMISOM. 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM