Shirka caalami ah oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa maanta oo Arbaco ah shir gudoomiyay Shir caalami ah oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada Dowlada Federaalka, oo uu kamid yahay Wasiir Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madax ka socota maamullada iyo beesha caalamka, ayaa diiradda lagu saaray labo arrimo muhiim ah.

Waxaa looga hadlay Shirka oo ka dhacay Caasimadda Mashaariicda horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shir ku saabsan amniga Soomaaliya oo ka dhici doona dabayaaqada bishaan dalka Belgium-ka.

Shirka Belgium-ka ayaa waxaa uu dhacayaa inta u dhaxeysa 25-ka illaa iyo 26-ka bishaan June ee 2018, waxaana uu daba socdaa kulan bishii hore uu uga qeybgalay dalkaasi, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qodobada kasoo baxa Shirka maanta ka qabsoomay xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho ayaa waxay gogol-xaar u noqon doonan midka ka dhici doona magaalada Brussels.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa khubdadiisa furitaanka ku sheegay in dowlada hadda jirta ee uu hogaamiye Farmaajo ay ka go'an tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay beesha caalamka, ayna si dhow ula shaqayn doonto.

Shirka ayaa kusoo beegmayaa iyadoo Habeenkii Talaada magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyay Shirka 7aad ee Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo war-murtiyeed laga soo saarey. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM