Soomaaliya: Aqalka sare oo Baaq culus kasoo saarey Colaada Tukaraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay yeesheen maanta Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Tukaraq.

Kulanka marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa si kooban warbaahinta ula hadlay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo sheegay in Aqalka Sare uu ugu baaqayo Puntland iyo Somaliland inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dagaal aysan ku jirin mas-laxadda Shacbiga iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaas darteeda, wuxuu carabka ku dhuftay inay mar walba ugu baaqayaan labada dhinac inay soo xal ay ka gaaraan colaada.

“[Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya] waxay ugu baaqayaan Puntland iyo Somaliland nabad. Dagaalku ma noqon karo midka dalka u horseedia baraaro iyo horumar, sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu yiri Mudane Xaashi.

“Waxaan ku baaqaynaa Nabad, Nabad, Nabad,” ayuu ku nuux-nuux saday Afayeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Baaqa xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maanta Golaha Wasiirada ee Puntland war ay soo saareen ku sheegay inay udiyaar-garoobayaan dagaal ka dhan Somaliland, kaasoo waqti badan soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM