Soomaaliya: Dhacdo lagu rasaaseeyay Xildhibaan oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda amniga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay baarayso rasaas la sheegay in Ciidamada NISA ku fureen Gaariga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo Gollaha Shacabka katirsan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhacdadii ka dhacday Barta Koontarool ee Ciidamadu ku leeyihiin KM-0 ay ay ahayd mid aan loogu tala-galin Xildhibaanka, oo ay ahayd hal Xabad oo Askari uu ku riday gaari ka gudbay Koontaroolka kaasi oo laga shakiyay.

Falkan ayaa waxa uu dhacay shalay galab, abaare 5:30 p.m. waqtiga Muqdisho [Halkan ka akhri Warka].

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in Ciidamada NISA ay si bareer ah rasaas ugu fureen Garigiisa markii uu kasoo gudbay Bartooda Koonatrool, isagoo intaasi ku daray in wax dhibaato ah kasoo gaarin tacshiiradda.

Xildhibaanka ayaa diiday warka Wasaaradda amniga kasoo baxay ee ah inay baarayso, wuxuuna dalbaday baaritaan madaxbanaan, maadaama aan lagu kalsoonaan karin isla Hay'addii falkan ka dambayso inay sameyso baaritaan dhab ah.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM