Soomaaliya: Maxaa Hortaagan In Heshiis Laga Gaaro Colaada Tukaraq?

Image

GAROWE- Dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa sida warasidaha GO ogaadey waxaa dhexdhexeedin aan caga badan ku taagneyn ka dhex wada xubnaha  beesha calamaka ee daneeya arimaha Soomaaliya kuwasoo uu hurmuudka u yahay wadanka Mareykanka.

Tan iyo intii Somaliland weerarka ku qabsatey   Tukaraq ayaa waxaa jirey dadaalo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ku doonayeen iney baajiyaan dagaal dhex mara labadaan maamul ‘Puntland & Somaliland’.

Wakiilka Qarmada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa booqasho uu ku tagey magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa bishaan horaanteedii ku guuldareystey inuu baajiyo dagaal labadaan maamul ku dhexmara degaanka Tukaraq.

Maxaa hortagaan in coladaan la joojiyo? 

Somaliland oo sheegata in dalka Soomaaliya intiisa kale ka go’dey ayaa aaminsan in degaanka Tukaraq uu yahay qayb kamid ah maamulkeeda islamarkaana xuduudka dalka intiisa kale la wadaagayaan tahay meel ku dhow duleedka magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wararka aan ka heleyno caqabadaha hortagaan xal ka gaarista coladaan ayaa waxa kamid ah; In Somaliland ku doodayso, Tukaraq iney ka tirsan tahay maamulkeeda; Ineysan colaada Tukaraq aysan wadahadal kala galeyn maamulka Puntland balse la hadlayaan dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

”Diidmada Somaliland iney dib uga noqoto Tuulada Tukaraq iyo ineysan wadahadal la galeyn madaxda maamulka Puntland ayaa caqabad ku ah in xal laga gaaro coladaan.” Sidaas waxaa GO u sheegey diplomaasi ka warqaba wadahadal beesha caalamku damacsaneyd iney ka dhexsameyso labadaan maamul.

Sida warsidaha GO ogaadey Madaxweynaha Somaliland ayaa gabi ahaanba xubnaha beesha caalamka ka diidey inuu dib uga noqdo Tukaraq taasoo caqabad ku noqotey in wadahadalkaan inuu horey u sii socdo.

Wararka soo baxaya ee la xiriira in dowlada Mareykanka ka dhex sameysay is-fahan ka kooban Afar qodob madaxda labada maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isgana guuldareystey kadib markii maalintii shaley dagaal kale ka qarxey tuuladaas.

Warsaxafadeedyada labadaan maamul soo saareen maalintii shaley iyadoo rasaastu ka socoto degaanka ku hareereysan Tuulada Tukaraq ayaa waxaa fasiraad dhab ah u aheyd in madaxda labadaan maamul ku jabiyeen balan qaad ay ka qaadeen xubnaha beesha caalamka gaar ahaan dowlada Mareykanka. Qoraalada labada maamul ayaa midba midka kale ku eedeynayey in dagaalkaan bilaabeen.

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM