Toogasho ka dhacday Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Toogashadan oo ka dhacday Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay Labo dhalinyaro ah, kuwaasoo ay dileen ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Labada shaqsi ah ee la toogtey ayaa waxaa la sheegayaa inay ku hubeysnaayeen Bastoolado, islamarkaana ciidamada NISA markii ay arkeen ay ku toogteen Bartamaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga dhismaha Dahabshiil.

Labadda ruux ee la toogtey ayaa waxay kamid ahaayeen Afar dhalinyaro hubaysan, oo ciidamada dowlada iyo iyaga uu dagaal kooban uu ku dhex-maray Gudaha Suuqa Bakaaraha, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Howl-wadaag.

Lama oga dhinac ay ka tirsanaayeen Ragaan – Al-Shabaab ama Daacish, kuwaasi oo mas'uul ka ah dilal kala duwan oo ka dhacay isla suuqaan oo ah midka ugu wayn guud ahaan Soomaaliya.

Meydadka ragaan ayaa waxaa laga qaaday goobta, iyadoo la geeyay xarunta degmada Howl-wadaag halkaasi oo looga sii qaaday  xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labadii kale ee la socday ragaan ay ka baxsadeen goobta, iyadoo laamaha amaanka ay sheegeen inay ku daba jiraan, islamarkaana ay sooo qaban doonaan.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha u sheegay in labada nin ee ay Ciidamada ku dileen Suuqa Bakaaraha ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay dilalka dhowr ah ayaa ka dhacay caasimada, waxaana falkaan uu noqonayaa midkii ugu horeeyay oo ay ciidamada dowlada ku toogtaan Dhagar-qabayaan maleegayey dil, tan iyo markii la galay bisha Barakaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM