Trump oo ka hadlay askarigii Mareykanka ee lagu dilay Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha dowlada Mareykanka, Donald Trump ayaa wuxuu ka tac-siyadeeday weerarkii ay Al-Shabaab ku dileen Askari Ameerikaan ah, kaasoo ka dhacay shalay duleedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose.

Weerarka oo laga soo wariyay tuulada Bar Sanguni oo dhaw degmada Jamaame taasi oo 45 KM ujirta Kismaayo, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 kale oo uu ku jiro Askari Kenya u dhashay. [Halkan ka akhri Warka].

Trump ayaa wuxuu ku tilmaamay dhamaan xubnahaan, midka la khaarjiyay iyo kuwa dhaawacmay "Geesiyaal" isagoo si gaar ah eheladooda uu sheegay inay la qeyb-sanayaan murugadda iyo xanuunka.

"Murugadeyda iyo ducadayda waa kuwa la jira qoysaska ciidamadeena, kuwaasoo midkood lagu dilay, iyo saaxiibadiisa, kuwaasoo ku dhaawacmay Soomaaliya," ayuu Trump soo dhigay Boggiisa Twitter-ka.

"Run ahaantii, waxay ahaayeen Geesiyaal," ayuu hadalkiisa raaciyay Trump.

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanka uu qirto in Askar looga dilay, loogana dhaawacmay howlgalkiisa Soomaaliya, iyadoo uu noqonaya Askarigii labaad oo looga khaarijio dalka muddo Labo sano gudahooda ah.

Weerarka lagu dilay Askarigan oo aan wali la shaacin magaciisa, ayna ku dhaawacmeen tiraada kale, ayaa waxaa uu ku bilowday Hoobiyaal, iyadoo uu xigay dagaal toos ah, kaasi oo ka dhashay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM