Wararkii ugu dambeeyay doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya gudoomiye cusub, kadib markii 9-kii bishan uu xilkaasi iska-casiley Maxamed Cismaan Jawaari.

Doorashada ayaa ka dhacaysa xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, waxaana ku sugan dhamaan Xildhibaanada, Musharaxiinta u tartamaya xilka oo gaaraya 11 kuwaasi oo ay kamid yihiin illaa wasiirro iyo ku xigeenno.

Magacyada Musharaxiinta:

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur
3- Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen
4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye
7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar
8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye
11-Xildhibaan Iimaan Cabdullaahi Nuur

Musharaxiinta ayaa waxay dhamaan kasoo wada jeedaan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana tartanka uu noqon doonaan mid adag, maadaama ay ku jiraan musharaxiinta taageero ka helaya dhinacyada Siyaasadda dalka ku loolamaya.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Musharaxiinta uu kamid yahay Wasiir hore oo welwel weyn ka qabto inuu kusoo baxo tartanka doorashada gudoomiyaha Gollaha shacabka. Halkan akhri. 

UPDATE: Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay inuu ka baxay tartanka doorashada gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM